Wararka ugu weyn cayaaraha

Laacibkii hore ee kooxda Manchester United, Ryan Giggs, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo tababaraha xulka kubadda cagta ee Wales, isla markaana uu sixiixo qandaraas 4 sano ah. Lahaanshaha sawirka Inpho
Image caption Laacibkii hore ee kooxda Manchester United, Ryan Giggs, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo tababaraha xulka kubadda cagta ee Wales, isla markaana uu sixiixo qandaraas 4 sano ah.

Laacibkii hore ee kooxda Manchester United, Ryan Giggs, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo tababaraha xulka kubadda cagta ee Wales, isla markaana uu sixiixo qandaraas 4 sano ah.

Xiriirka kubadda cagta ee Wales ayaa maanta shir jaraa'id ku qaban doona magaalada Cardiff, halkaasoo la filayo in Giggs lagu soo bandhigo.

Haddii sida la filayo ay wax kasta u dhacaan, Giggs ayaa bedeli daana Chris Coleman oo bishii November ku biiray kooxda Sunderland.

Tarkanka koobka Qaramada Afrika ee ka socda Morooko ayaa waxa kooxihii wada ciyaaray shalay ay ku kala baxeen sidatayn.

Sudan 2- Giunea 1

Namibia waxay hal iyo eber kaga adkaatay Ivory Coast.

Zambia waxay 3 iyo hal kaga badisay Uganda.

Maantana waxa foodda is dari doona dalalka Libya iyo Equatorial Guinea, Nigeria iyo Rwanda.

Liverpool ayaa soo afjartay guulihii kooxda Manchester City oo aan laga badin intii uu socday xili ciyaareedkan haatan ee Premier League-ga ingiriisku, waxaanay Liverpool xalay uga badisay 4- 3.

Waxaanay sidaa Liverpool ugu durugtay kaalinta saddexaad ee shaxda kala horaynta dhibcaha, haseyeeshee weli waxa hogaanka haysa Man City oo shan iyo toban dhibcood ka horraysa Manchester United oo caawa la dheelaysa Stoke City.

Weeraryahanka Arsenal u ciyaara ee Alexis Sanches ayaa isagna halka uu u xamaan urursan doono la ogaan doonaa sideed iyo afartanka saacadood ee soo socda, sidaana waxa sheegay tabobaraha kooxdaas ee Arsene Wenger oo Sanchez aan ka qayb gelinin ciyaartii ay Bournemoth wada yeesheen.

Sanchez ayaa qandaraaskiisu dhamaanayaa marka uu xili ciyaareedkani dhamaado waxaana wararka qaar saadaalinayaan inu uu kooxaha Machester City iyo Manchester United midkood u geeddi yahay.

Mowduucyada la xiriira