Mkhitaryan oo ogolaaday inuu Arsenal u wareego iyo Sanchez oo u dhaw inuu ku biiro Man Utd

Henrikh Mkhitaryan iyo Alexis Sanchez Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Henrikh Mkhitaryan iyo Alexis Sanchez

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela kooxda Manchester United, Henrikh Mkhitaryan, ayaa waxa uu ogolaaday inuu ku biiro kooxda Arsenal, halka Alexis Sanchez lagu wado inuu dhinaca kale u wareego.

Mkhitaryan oo ah 28-jir u dheela xulka Armenia ayaa maanta oo Axad ah iyo berito oo Isniin ah waxa uu mari doonaa caafimaadka, halka Sanchez, weerraryahanka xulka Chile ee 29-ka ah uu caafimaadka marayo maanta oo Axad ah.

Lama oga inta uu la eg yahay qandaraaska uu Mkhitaryan la galaya kooxda Arsenal iyo mushaarkiisaba.

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger, ayaa goor sii horreysay sheegay in Sanchez uu Man United ku biiri karo oo kaliya haddii Mkhitaryan uu u soo wareego kooxdiisa.

Sanchez ayaanan dheelin ciyaartii ay Sabtidii Arsenal 4-1 uga badisay kooxda Crystal Palace sababtoo ah waxa uu u safrayay magaalada Manchester.

Kooxda Manchester United ayaa 2016-kii Arsenal ka dulqaaday saxiixa ciyaaryahan Mkhitaryan markaas oo ay £26.3m kagala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund.

Mkhitaryan waxa uu kooxdiisa United u saftay 63 kulan oo 22 ka mid ah uu dheelay xilli ciyaareedkan, waxa uuna mudadaas u dhaliyay 13 gool.

Dhanka kale Sanchez oo Arsenal 2014-kii ay kooxda Barcelona uga soo iibsatay £35m ayaa 166 kulan oo uu u saftay waxa uu kooxdaasi u dhaliyay 80 gool.