Isku aadka rubac dhammaadka koobka FA-ga oo la sameeyay

Chris Hughton iyo Jose Mourinho Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Brighton ayaa 3-1 kaga badisay kooxda Coventry, halkan Man United-na ay 2-0 ku quusisay kooxda Huddersfield

Manchester United oo 2-0 ku quusisay kooxda Huddersfield ayaa waxa ay rubac dhammaadka koobka FA-ga kula dheeli doontaa kooxda Brighton taas oo 3-1 uga soo badisay kooxda Coventry.

Kooxda soo badisaa ciyaarta Axadda dhexmari doonta kooxaha Tottenham iyo Rochdale ayaa waxa ay ku aadaysaa kooxdii ka soo gudubtaa ciyaarta ku celiska ah ee dhexmari doonta Sheffield Wednesday iyo Swansea, oo ciyaartoodii xalay isla dhaafi waayay barbaro 0-0 ah.

Southampton oo 2-1 uga soo gudubtay kooxda West Brom ayaa waxa ay u safri doontaa garoonka kooxda badiso ciyaarta Isniinta dhexmari doonta kooxaha Manchester City iyo Wigan.

Halka Leicester, oo Sheffield Unigted 1-0 kaga soo badisay ay iska hor iman doonaan kooxda Chelsea oo 4-0 ku quusisay kooxda Hull City.

Ciyaarahan ayaa waxaa la ciyaari doonaa inta u dhaxeysa 16-ka iyo 19-ka bisha Maarso.

Shaxda isku aadka rubac dhammaadka koobka FA-ga

Leicester v Chelsea

Manchester United v Brighton

Sheffield Wednesday ama Swansea v Rochdale ama Tottenham

Wigan ama Manchester City v Southampton