Waa kuma ciyaaryahanka ugu qaalisan Afrika?

Lahaanshaha sawirka Bakambu Twitter
Image caption Cedric Bakambu ayaa Twitter-ka soo dhigay sawirkan

Waa kuma ciyaaryahanka ugu qaalisan Afrika?

Ciyaaryahanka reer Congo Cedric Bakambu balse ku dhashay dalka Faransiiska ayaa noqonaya ciyaaryahankii ugu qaalisan Afrika.

Ka dib wadaxaajoodyo dheeraad ah Cedric Bakambu wuxuu ugu biiray kooxda kubadda cagta ee Shiinaha ka dhisan ee Beijing Guoan heshiis la aaminsan yahay in uu yahay in uu noqon doono ciyaaryahankii ugu qaalisanaa Afrika abid.

Warar heshiiskaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya in ciyaaryahan Bakambu lagu iibsaday 90 milyan oo doolar, waxaana uu ka sara marayaa rikoorkii ciyaaryahanka ugu qaalisan Afrika ee horey kooxda Liverpool uga soo iibsatay kooxda 65 milyan oo doolar Red Bull Leipzig xiddiga reer Gini Naby Keita.

Bakambu wuxuu saxiixay heshiiska oo socon doona muddo afar sano ah, iyadoo ciyaartooyga iyo kooxduba ay soo bandhigeen sawirada heshiiskaasi.