Kabtankii kooxda Fiorentina oo si lama filaan ah u geeriyooday

Davide Astori Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Davide Astori

Waxaa dhamaan baaqaday kulamadii cayaaraha kubadda cagta ee maanta ka dhici laha dalka Talyaaniga kadib geeridii lama filaanka ahayd ee ku timid Kabatanka mid ka mid ah kooxaha dalkaasi.

Davide (PR: DA-vi-day) Astori, oo da'diisu ahayd soddon iyo kow jir ayaa ahaa difaaca kooxda Fiorentina, waxa uu sidoo kale ka mid kooxd qaranka Talyaaniga. kooxda Fiorentina ayaa geeridiisa ku tilmaamtay musiibo.

Jaraa'idyada ayaa qoraya in uu wadnuhu istaagay isagoo ku jira Hoteelkisa oo ku yaalla caasimadda Udine.

Raisulwasaarihii hore ee dalka Talyaniga Matteo Renzi ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa.