Netherlands oo ka badisay Boortaqiiska

Ronaldo oon gool dhalinin Lahaanshaha sawirka Getty Images

Xulka Boortaqiiska oo haysta koobka Qaramada Yurub ayaa waxaa 3-0 uga badiyay qaranka Netherlands ka dib ciyaar saaxiibtinnimo oo xalay ka dhacday magaalada Geneva.

Netherlands ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay Memphis Depay oo Manchester United u ciyaari jiray, Ryan Babel oo Liverpool soo maray iyo van Dijk oo difaaca uga ciyaara isla Liverpool.

Kulankaasi ayaa soo afjaray goolashii isdaba jooga ahaa ee uu Cristiano Ronaldo u dhalinayay xulkiisa Boortaqiiska sagaalkii kulan ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, tababaraha xulka Ingiriiska Gareth Southgate ayaa ku adkeysanaya in Jack Wilshere uu ka mid noqon karo kooxda ka qeybgalaysa Koobka Adduunka, inkastoo uu ka maqnaa kulankii saaxiibtinnimo ee uu Ingiriiska kaga adkaaday Netherlands iyo ciyaarta caawa uu la yeelan doono Talyaaniga.

Wilshere ayaa liiska xulka Ingiriiska ka baxay ka dib dhaawac kasoo gaaray jilibka.

Mowduucyada la xiriira