Tottenham oo garaacday Chelsea

Dele Alli Lahaanshaha sawirka Reuters

Tababaraha kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa "dagaalyahan" ku ammaanay Dele Alli ka dib markii uu labo gool u sixiixay kooxdiisa xilli xasaasi ah, arrintaas oo horseeday in naadiga lagu naanayso Spurs uu Chelsea ka badiyo markii u horraysay muddo 28 sano ah.

Alvaro Morata oo kubbad uu soo baasay Moses madaxa ku dhaliyay ayaa gooshii koobaad ee ciyaarta u dhaliyay Chelsea oo marti loo ahaa, laakiin waxaa goosha barbaraha keenay Christian Eriksen.

Intaas wixii ka dambeeyayna ciyaarta waxaa la wareegay Dele Alli oo labo gool sixiixay

Tottenham ayaa hadda ku jirta kaalinta afraad, waxayna siddeed dhibcood ka saraysaa kooxda Chelsea oo kaalinta shanaad ku jirta.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dele Alli

Dhanka kalana Dele Alli ayay goolashani muhiim u ahaayeen maadaama oo uusan si wanaagsan ugu dheelin xulkiisa England dhawr toddobaad.

Wuxuuna ku guulaystay in uu wax saamayn ah ku yeesho ciyaartii ay Netherlands kaga badiyeen 1-0ka isaga oo 22 daqiiqo ciyaaray, ciyaartii ay barbaraha 1-1ka ah la galeen Talyaanigana lamaba soo safin oo waxaa lagu iloobay kursiga badalka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dele Alli oo goolasha guusha dhaliyay iyo ciyaartoy kale oo Tottenham u dheela ma aysan dhalan markii u dambaysay ee Tottenham ay ka badiso Chelsea ciyaar ka tirsan Horyaalka Ingiriiska.

Mowduucyada la xiriira