kooxda Liverpool oo sheegtay in ay diyaar u tahay in Saalax ay ka caawiso in uu dhaliyo goolal kale

31 gool ayuu Saalax dhaliyay xilli ciyaareedkan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption 31 gool ayuu Saalax dhaliayay xilli ciyaareedkan

Maxamed Saalax ayaa dhaliyay 31 gool xilli ciyaareedkan.

Sadio Mane ayaa sheegay in isaga iyo dhamaan koooxda ay isku dayi doonaan in Saalax uu dhaliyo goolal kale.

Mane ayaa ka hadlay kulanka rubuc dhamaadka ee horyaalka Yurub ay cawa la yeelan doon kooxda hogaamineeysa horyaalka ingriiska ee Manchester City.

"Waa kulan aad u weyn balse wax kasta waa macquul sababtoo ah waxaan ku wada cayaari doonnaa garoonka yaga ee Anfield", ayuu yiri Sadio.

Isagoo og awoodda ay leedahay Manchester City, Sadio ayaa intaasi ku daray: "waan dadaali doonnaa waxaana isku dayeyna in aanu badino kulanka cawa".

Liverpool waa kooxda kaliya oo ka tirsan horyaalka ingiriiska ee ka badisay manchater city cilli ciyaareedkan inta badan guushaasina waxaa soo hooyay maxame saalax.

"Waxaan rajeeynayaa in aan ka caawin karno in uu dhaliyo goolal intaasi ka badan,", ayuu yiri Mane.

Mowduucyada la xiriira