Mourinho oo aan soo safaynin ciyaartoy aan si wanaagsan u dheelin

Pogpa Lahaanshaha sawirka Getty Images

Ciyaartoyda Manchester United ee aan sida wanaagsan u dheelin kulankii ay guuldarrada kala kulmeen ee ay Axaddii la yeesheen West Brom ayaa laga reebi doonaa kulanka ay Tottenham la yeelan doonaan Sabtida soo socota ee xisaabsan koobka FA-ga, sida uu sheegay Jose Mourinho.

West Brom oo ugu hoosaysa horyaaalka Ingiriiska ayaa Manchester United kaga badisay 1-0 iyada oo waliba lagu ciyaarayay garoonka Old Trafford ee naadiga Red Devils, arrintaas ayaana xaqiijisay in kooxda Manchester City ay ku guulaysato Horyaalka Ingiriiska.

United ayaa la dheeli doonta Bournemouth ciyaar ka tirsan horyaal ka hor inta aysan

"Sida aad u dheeshaan waa sida kali ah ee aan ciyaartoyda ku xusho" ayuu yiri Mourinho.

Tababarahan reer Boortaqiis ayaa sheegay intaas ku daray "qaar ka mid ah kuwii" la dheeshay West Brom "boos kuma laha" kooxda Wembley ka ciyaari doonta ciyaarta afar dhamaadka ah.

Mowduucyada la xiriira