Trump oo u digay dalkii aan ku taagerin martigalinta Koobka Adduunka

Donald Trump Lahaanshaha sawirka Getty Images

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in ay saamayn siyaasadeed reebi doonto ciddii Marooko ku taageerta martigalinta Koobka Adduunka ee sannadka 2026ka.

Trump ayaa Twitterka soo dhigay "Maraykanka oo ay weheliyaan Canada iyo Mexico ayaa dalab adag gudbistay si ay u martigaliyaan Koobka Adduunka sannadka 2026ka. Ceeb ayayna noqon doontaa in dalalka aan waligeen taageerno ay ka soo horjeedsadaan Maraykanka.

Maxaan u taageeraynaa dalalkaas mar haddii aysan iyaguba na taageeraynin (waxaana ku jira Qaramada Midoobay)?.

Marooko oo kali ah ayaa la tartamaysa sida ka muuqata Twitterkan hoose.

Coddaynta cidda martigalin doonta Koobka Adduunka ee 2026ka ayaa ka dhici doonta magaalada Mosko (Moscow), markaas oo la qaban doono shirka sannadlaha ah ee xiriirka kubadda cagta ee Fifa.

Canada, Mexico, Maraykanka iyo Morocco ayaan codayn doonin maadaama ay tartanka ku jiraan.

Balse waxaa codkooda ka dhiiban doona 207 urur kubbadeed, ciddii martigalinaysana waxay u baahantahay aqlabiyadda oo 104 cod ah.

Richard Conway oo ah wariye dhanka ciyaaraha ah oo ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in saddexda dal ee Waqooyiga Ameerika ku yaalla ay haddaba haystaan garoomadii iyo kaabeyaashii kale ee muhiimka u ahaa martigalinta Koobka Adduunka.

Arrin taas ka baddalanna Morocco haddii ay noqoto in lagu qabto Koobka Adduunka waxay u baahan doontaa in samayso maalgalin wayn.

Mowduucyada la xiriira