Yaa badali doona Arsene Wenger?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arsene Wenger 22 sano ayuu kooxda Arsenal joogay

Kooxda Arsenal ayaa weli baadigoob ugu jirta sidii ay u heli lahayd macalin cusub oo kooxda leyliya, kadib markii uu Arsene Wenger shaaciyay inuu kooxda ka tagayo.

Raga sida weyn isha loogu hayo waxaa ka mid ah Mikel Arteta oo hadda tababare kuxigeen ka ah kooxda Manchester City.

Mikel Arteta ayaa horay ugu soo dheelay kooxda Arsenal waxuuna u saftay 150 ciyaar isagoo sidoo kalena u noqday kabtan.

Sanadkii 2016-kii ayuu Arteta ku biiray Manchester City oo uu macalin kuxigeen ka noqday.

Waxaa sidoo kale isha lagu hayaa Patrick Viera oo isna horay uga tirsanaan jiray kooxda Arsenal mudo dheerna kooxda u ciyaarayay.

Waxaa jira warar sheegaya in Arsenal ka hor koobka dunida ay magacaabi doonta qofka badali doona Arsene Wenger.

Marka la gaaro go'aanka tababaraha cusub waxaa loo gudbin doonaa gudiga kooxda oo ansixin doona.

Arsene Wenger ayaa ciyaartiisa ugu dambaysa ee kooxda inta uusii joogayo ah la yeellan doona kooxda Huddersfield maalinta Axada ah ee 22-ka bishan.

Waxaana halkaasi ku soo gabagabooya 22 sano oo Arsena Wenger uu Arsenal macalin u ahaa.

Waxaa sidoo kale la hadalhayaa in kooxda Arsenal la keeno tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique iyo waliba macalinkii hore ee Juventus Massimiliano Allegri

Mowduucyada la xiriira