Maxamed Saalax oo rikoor cusub dhigay

Liverpool Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Liverpool

Maxamed Salaax ayaa ka dhigay rikoor cusub horyaalka Ingiriiska ayadoo kooxda Liverpool ee uu u ciyaaro ay boos ka heshay xilli ciyaareedka soo socda ee Horyaalka kooxaha Yurub kadib markii ay ka badisay kooxda Brighton, ayadoo tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp uu rumaysan yahay in uu hormar intaas ka balaadhan uu samayn karo.

Qaab ciyaareedka Liverpool ay kusoo bandhigtay karoonkeeda Anfield ayaa ahaa mid aad u wanaagsan, ayadoo Liverpool ay isu diyaarinayso kulanka kama dambaysta ah ee horyaalka kooxaha Yurub ee ay kala hortagayso 26ka bisha may kooxda Real Madrid.

Klopp ayaa yiri " Way noo wanaagsan tahay inaan helno labo toddobaad oo nasasho ah, diyaar baanu unahay ciyaarta kama dambaysta ah. Dhab ahaantii Kooxdaan ciyaartoyda ah way istaahilaan arrintaas. Waxayna u gudbayaan heerka kuxiga "

Maxamed Saalah oo ku sugnaa garoonka ay ku ciyaarto kooxdiisu ayaa ku guulaystay kabaha dahabka ah, asagoo noqday ciyaar yahanka ku gool dhalinta badan horyaal Ingiriiska. Asagoo sidoo kale ku guulaystay abaalmarinta ciyaar yahanka ugu wanaagsan horyaalka. Wuxuuna farxaddiisa la qaatay xaaskiisa iyo gabadhiisa yar.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa sanadkaan ku guul darraysatay kamid noqoshada afarta kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Ingiriiska kuwaas oo ka qayb gali doona horyaalka kooxaha Yurub, Chelsea ayaa ciyaartii ugu dambaysay la dheeshay Kooxda Newcastle united, ayadoo Newcastle united ay ku adkaatay 3-0.

Guusha kooxda Liverpool ayaa horseedday inay xilli ciyaareedkaan ku dhammaysato kaalinta afaraad ee Horyaalka, waxayna gali lahayd kaalinta saddexaad haddii aysan kooxda Tottenham uga badin lahayn kooxda Leicester 5-4, halka kooxda Brighton ay gashay kaalinta 15aad tan ee horyaalka tan iyo sanadkii 1983.

Mowduucyada la xiriira