Martigalinta ciyaaraha dunida, 2018-2022

Beckham iyo ROoney oo la taagan kubad wayn
Image caption Beckham iyo ROoney oo la taagan kubad wayn, si ay u muujiyaan taageeradooda martigalinta England ee koobka adduunka ee 2018 iyo 2022.

Hey'adda maamusha kubadda cagta ee adduunka, FIFA, ayaa maanta waxa ay ka qabatay codsiyada wadamada ku tartamaya inay marti geliyaan koobka kubadda cagta ee adduunka ee sanadka 2018 iyo 2022.

Haddii cayaaraha qabashadooda la siiyo qaaradda Yurub 2018, madaxda FIFA waa inay go'aansadaan waddankii la siin lahaa England, Russia, iyo codsi ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Netherlands iyo Belgium, Spain iyo Portugal.

Go'aamada ayaa waxa la gaari doonaa bisha December.

Kooxda England ololaha u wadda oo haatan ku sugan magaalada Zurich ee waddanka Switzerland waxaa ku jira gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Khadra Yusuf Cige, waxay BBC u sheegtay in rajadoodu ay wanaagsan tahay.

David Beckham ayaa codsiga England u gudbiyay Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter.