South Africa oo erisay Rabshoolayaal

Booliiska South Africa
Image caption Booliiska South Africa si xoog leh ayuu ugu howlan yahay arrimaha sugidda ammaanka.

South Africa, ayaa dalkeeda ka musaafurisay "rabshoolayaal" kubadda cagta ah.

10 qof oo u dhashay Argentina oo looga shakiyay in ay yihiin rabshad wadayaal u dhashay dalkaas, ayaa Booliiska Koonfur Africa ama dalka South Africa uu ku eedeeyay in ay qorshaynayeen in ay carqaladeeyaan koobta adduunka.

Waxay ka mid ahaayeen ilaa 85 taageerayaal oo lagu xiray magaalada Johannesburg garoonkeeda diyaaradaha, iyagoo la ogaaday in ay ka mid ahaayeen magacyadooda liiska madow ee aan loo ogolayn ciyaaraha.

Booliiska, ayaa sheegay in diyaargarowga dhinaca amniga ay muuqato in uu miro dhalay.

Koobka adduunka, ayaa markii ugu horaysay taariikhdiisa lagu qabanayaa dhulka Qaaradda Africa, waxaana uu bilaabanayaa maalinta Jimcaha.

10 qof ee laga celiyay South Africa, ayaa waxya ka tirsan yihiin kooxda abaabulan ee loo yaqaan "baras bravas", oo ku caanbaxay rabshadaha ciyaaraha kubadda cagta.

Waxaa la xiray malintii Axadda kadib markii ay ku soo hakadeen magaalada Luanda ee Angola , waxaana la musaafuriyay Isniin.

Ugu yaraan laba ka mid ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen hogaamiyayaal koox midna uu sida ay booliiska sheegeen damaanad banaanka ku joogo iyadoo loo haysto in uu dil dad ku kacay.