Kooxda Kuuriyada Waqooyi

Kooxda Kuuriyada Waqooyi
Image caption Kooxda Kuuriyada Waqooyi

Kooxda kubadda Cagta ee Kuuriyada Waqooyi waa markii ugu horeysay ee ay ka soo qeybgasho cayaaraha adduunkaa muddo 44 sano ah.

Waxaa cayaarta ugu horeysa ay isaga hor imanayaan caawa kooxda Brazil.

Kuuriyada Waqooyi wakhtiga ay ka maqneyd cayaaraha adduunka waa kii ugu dheeraa marka laga reebo dalalka Masar iyo Norway oo iyagu cayaaraha ka maqnaa 56 sano intii u dhaxay (1934-1990) Masar iyo Norway oo iyana ka maqneyd (1938-1994).

Cayaarihii lagu soo baxayay waxaa laga dhaliyay toddobo gool 16 cayaarood, halka ay shantii cayaar ee ugu danbeysay ee ay yeeshaan ay dhaliyeen shan gool.

Kooxda Kuuriyada Waqooyi waxaa tababare u ah Kim Jong-Hun oo u dhashay isla waddanka Kuuriyada Waqooyi.