Cayaarta Brazil iyo Ivory Coast

Brazil
Image caption Cayaartooyda kooxda Brazil

Brazil waxay xalay xaqiijisay inay weli tahay hooyada Kubada Cagta ee Aduunka, waxay dad badan oo ka shaki ka qabay ciyaartoodii hore, hubanti uga dhigtay, inay tahay koox aan marnaba la loodin karin, Walow bilowgii Ciyaarta ay si weyn ugu gacan sareeyeen, Kooxda ee Ivory Coast ee Mmaroodiyada loo yaqaano, Waxayna Ivory Coast ku dheelayeen, nidaamka 4-4-2 loo yaqaano, waxaana weerarka afka hore isla saarnaa, Didiar, Drogba iyo Soloman Kalou, oo labada u dheela kooxda Chelsea, iyadoo labada baale ee dhinacyada. bidix iyo midigna ay ka kaabeyeen Aruun dindaani. iyo Tiata,

Balse Ivory Coast weeraryahanadoodu waxay dhaafi waayeen, Difaaca Brazil, gaar ahaan Captain Lucio. oo xalay kubada ku celinayay. lug, xabad iyo madaxba,

Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay. eber iyo eber. markii qaybtii labaad la isku soo noqdayna.

Ciyaaryahanada xulka qaranka Brazil waxay garoonka la soo galeen car car hor leh, waxayna u muuqdeen wiilal dhagta uu wax ugu soo sheegay. Tawabarahood Macalin Carlos Dunga.Waxaana Brazil goolkoodii koowaad u dhaliyay, Luis Fabio

Balse waxaa muran iyo buuq badan dhaliyay. goolkii labaad ee Brazil ay dhalisay, oo sida muuqatay. ahaa mid labo jeer uu gacanta ku taabtay Luis Fabio,

Image caption Cayaaryahan Kaka oo la siiyay kaarka cas

Balse waxaa waxaasoo dhan i qarso ka dhigay. goolkii sedaxaad oo isagu ahaa kubad si qurux badan ay isugu soo dhiidhiibeen. Ciyaartoyda Brazil. ayaa waxaa dhinac ula orday. weeraryahankan Real madrid u dheela ee Kaka ka dibna baas qalooc ahaan ah. ugu dhiibay Elano oo si fudud isagana u dhinac mariyay. goolhayaha dalka Ivory Coast

Ivory Coast isma dhigan. ismana dhiibin waxayna ku dedaaleen inay mar uun kubada taabsiiyaan. shabaqa goolka Brazil taasina waxaa ka dhabeeyey.

Laacibka laacibka dhaafay ee Didiar Drogba oo kubad uu soo dhigay Yaxye Toure Madaxa teesto ahaan ugu dhaliyay, iyadoo inaba haba yaraatee uusan is dhaqaajinin. Goolhaye Xulka Brazil Julio Cesar.

Ciyaartu markii ay socotay daqiiqadii 83-aad ayaa waxaa garoonka ka dhacay fal fool xun.ka dib markii weeraryahanka reer Brazil ee Kaka. uu si ula kac ah jiqilka ugu dhuftay Kadir Kaite, taasoo Kaka u horseeday in ciyaarta laga saaro oo calaamada casaanka loo taago.

Isku soo wada duuduuboo Brazil xalay waxay kooxda Ivory Coast u dhigtay cashar lama ilaawaan ah. waxayna quus sii galisay rajadii Kooxda Ivory Coast ay ka qabtay, inay wareega labaad usoo gudubtay