Talyaaniga oo ka haray ciyaaraha adduunka

Slovakia vs Italy

Kooxda kubadda cagta Talyaaniga, oo haysatay koobka adduunka, oo uu qaaday sanadkii 2006 ciyaarihii adduunka ee ka dhacay Jarmalka, ayaa laga reebay koobka adduunka.

Talyaaniga, ayaa looga badiyay 3-2, waxaana ka adkaatay Kooxda Slovakia, oo ka mid ah kooxaha magac dheer ku lahayn ciyaaraha kubadda cagta adduunka.

Talyaaniga, ayaa Group-ka F ka keenay laba dhibcood. halka kooxda Slovakia ay yeelatay 4 dhibcood, Paraguay oo Group-ka hogaaminaysa ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad oo 5 dhibcood yeelatay.

Kooxda New Zealand, ayaa 3 dhibcood ayay ku hartay.

Group-ka F, waxaa u gudbiyay wareegga labaad ee 16-ka koox isugu soo harayaa kooxaha Paraguay oo kow ku soo baxday iyo kooxda Slovakia oo kaalinta labaad ku soo baxday.

Paraguay waxay ku aadaysaa kooxda kaalinta labaad kaga soo baxday Group E oo caawa ay ciyaartoodu dhacayso, iyadoo Slovakia ay la ciyaari doonto kooxda Group E kaalinta koowaad ku soo baxda.

Talyaaniga, oo koobab badan oo adduunka ah qaaday, ayay aad u yar tahay inta jeer ee lagu reebay wareegga koowaad ee ciyaaraha adduunka.

Dalka Talyanaaniga oo ciyaarahan aad loola socday, ayaa sida uu noo sheegay weriyaha BBC-da ee Rome, Aden Sabriye, waxaa ka muuqday murugo iyo niyadjab wayn.

Talyaaniga, ayaa kubadda cagta si xoog leh looga qiimeeyaa.