Germany oo quusisay England

Kooxda kubadda cagta dalka Germany, ayaa 4-1 kaga adkaatay kooxda England, ciyaaraha adduunka wareegga 2-aad oo ay isku haleeleen.

Germany waxay hadda u gudubtay wareegga sideedda kooxood.

Waxay la ciyaari doontaa tii caawa soo badisa kooxaha Argentina iyo Mexico.

Germany ayaa laba gool kaga hormartay England oo qaybtii hore ee ciyaarta dhalisay.

England hal gool keentay ka hor intii aan nasashada loo bixin.

Hase yeeshee, qaybtii labaad ayaa laba gool oo kale laga dhaliyay England. Kubad dhaaftay xariiqda goolka, ayaysan u suurtagalin garsooraha calanka in uu arko, taasoo ciyaarta ka dhigi lahayd 2-2.

Waxaa ay ahayd ciyaar taageerayaasha labada dal ay aad u sugayeen. Kooxda England ayaase si fudud looga adkaaday.