Kooxda k/cagta Ghana

Kooxda qaranka Ghana
Image caption Kooxda qaranka Ghana

Kooxda qaranka dalka Ghana ee kubadda cagta, waxay ka mid tahay kooxaha Africa uga qaybgalaya ciyaaraha adduunka ee 2010 ka dhacay Koonfur Africa.

Is reereebka loogu soo baxayay tartankan waxay u soo gudbeen iyagoo aan laga badinin 4-tii ciyaar ee ugu horeysa, balse goor ay soo baxeen ayaa 1-0 waxaa kaga naxsaday kooxda Benin.

Ghana, waxay ahayd kooxdii ciyaartoyda matalaysa ay ugu da' yaraayeen ciyaarihii adduunka ee ka dhacaya dalka Germany, 2006.

Kooxda Ghana oo lagu naanayso Black Stars ayaa guulo badan ka soo hooyay ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda.

Afar jeer ayay hanteen koobka Qaramada Qaaradda Africa, inkastoo aysan qaadin ilaa 1982-dii.

Waxay kaloo Ghana haysataa laba koob oo adduunka ah oo dhalinyarada da'doodu ka hoosayso 17-ka sano ee FIFA world Cup.

Waxay noqdeen ciyaartoyda Ghana, kooxdii ugu horaysa ee Africa ah oo qaaday koobka adduunka ee FIFA world Cup U-20 markii ay rigoorayaal kaga badiyeen ciyaartii Final-ka 2009.

Iyagoo leh khibrad laga soo bilaabo ciyaarihii 2006, oo kooxaha Talyaaniga iyo Brazil ay ka adkaadeen, balse iyaguna ay ka badiyeen kooxaha Czech Republic iyo USA.

Ghana, waxay noqon kartaa kooxdii ugu horaysay ee African ah ee qaadda koobka adduunka, oo sanadkan markii ugu horaysay taariikhda koobkan uu tartanku ka dhacayo dal African ah, oo ah South Africa.