Kooxda k/cagta ee Uruguay

Kooxda qaranka dalka Uruguay. Waxay kaga soo baxday ciyaaraha latin America ee loogu soo gudbayay ciyaaraha adduunka kooxda 6-aad.

Uruguay, waa markii 11-aad ee ay u soo baxdo ciyaaraha adduunka ee FIFA World Cup ee South Africa, 2010.

Uruguay, waxay martigalisay tartankii ugu horeeyay ee koobka adduunka oo dalkeeda lagu qabtay sanadkii 1930. Koobkaas, ayaa waxaa ku guulaystay isla dalka Uruguay kadib markii kooxda Argentina ay 4-2 uga badisay ciyaartii kama dambaysta ahayd.

Markii ugu dambaysay ee ay ka gudbaan wareegga 16-ka koox ee ciyaaraha adduunka waxay ahayd tantankii ka dhacay Mexico sanadkii 1970-kii, markaas oo ay kaalinta afaraad galeen.