Heskey oo ka fariisanaya cayaaraha

Emile Heskey
Image caption Emile Heskey waxa uu ka mid ahaa kooxdii England uga qeybgashay cayaarihii adduunka

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta ee England, Emile Heskey, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariisanyo cayaaraha adduunka.

Heskey, oo 32- jir ah waxa uu ka mid ahaa kooxda tababaraha England Fabio Capello, ee sida weyn loo cambaareeyay markii ay ka hareen wareeggii labaad ee cayaaraha koobka adduunka ee ka dhacay waddanka Koonfur Afrika.

Heskey ayaa kooxda England waxa uu ku soo caanbaxay cayaartii dhexmartay iyaga iyo Hungar, 28 April, 1999, waxaana uu qaaday 62 koob, isagoo dhaliyay toddobo gool.

"waan ku raaxeystay wakhti walba oo aan ka mid ahaa kooxda England, magac ayayna ii ahayd inaan xirto shaarka England," ayuu yiri Heskey.

Waxa uu u mahadceliyay maamule kasta oo qabtay England intii uu cayaarayay iyo dhamaan xiriirka kubadda cagta FA iyo taageerayaasha.

Waxa uu sheegay inuu mustaqbal wanaagsan u rajeynayo dhamaan kooxda England.