Steven Gerrard oo sii joogaya Liverpool

Steven Gerrard
Image caption Steven Gerrard waa kabtanka kooxda Liverpool

Kabtan kooxda Liverpool, Steven Gerrard, ayaa bixiyay tilmaantii ugu weyneyd ee ah inuu la sii joogayo kooxdiisa Liverpool iyo garoonka Anfield, isagoo soo dhaweeyay saxiixida Joe Cole.

Waxaa jiray saadaalin ah inuu ka tagi doono dhawaan, laakiin markii uu la kulmay tababaraha cusub Roy Hodgson, waxa ay u muuqataa inuu hadda sii joogayo kooxda Liverpool.

"waxaan doonayau fursad aan kula kulmo Roy Hodgson si gaar ah," ayaa cayaaryahanka Liverpool ee 30 jirka ah uu u sheegay bogga Liverpool.

Gerrard, ayaa la xiriirinayay inuu u wareegi doono Jose Mourinho ee kooxda Real Madrid inta lagu guda jiro xagaaga.