O'Neill oo ka tegey Aston Villa

Martin O'Neil
Image caption Wuxuu ka mid yahay wejiyada ugu caansan tartanka Premier League

Martin O'Neill ayaa si kedis ah isaga casilay Maareeyaha Naadiga kubadda Cagta Ingiriiska ee Aston Villa.

Kevin MacDonald ayaa loo magacaabay in uu ahaadi Maareeye sii haye ah.

O'Neill oo xilka hayaya 4 sano, lama sheegin sababta uu isu casilay.

Image caption cayaartooy ka tirsan Aston Villa

Sabtida ayay Aston Villa la cayaari doontaa kooxda West Ham (Cayaartaas si toos ah ayay u soo deyn doontaa BBC Laanta Soomaaligu).

O'Neill oo 58 jir ah, waxaa uu Aston Villa ku hagay in ay saddex sano oo isku xiga ay galaan kaalinta lixaaad ee tartanka Premier League.

Maareeyuhu wuxuu yiri: Waxaan u mahadcelinayaa cayaartooyda Aston Villa, tababbarayaashii ila shaqeynayay iyo taageerayaasha kooxdu kaalmada iyo dhiirri gelinta ay siiyeen Naadiga iyo aniga lafteydaba.

Shaqo ka fariisiga O'Neill, waxay ku soo beegantay iyada oo saddex maalmood ay ka hartay furitaanka cayaarta ugu horreysa Premiership-ka oo ay Aston Villa foodda isdari doonaan West Ham.

Sven-Goran Eriksson oo ahaan jiray Maareeyaaha Qaranka Ingiriiska iyo Gareth Southgate ayaa la sheegay in ay isha ku hayaan xilka uu banneeyay Martin O'Neill.