FIFA oo baareysa kubbadda cagta ee kuuriyada woqooyi

Difaaca Kuuriyada woqooyi
Image caption waa difaaca kuuriyada woqooyi oo dhulka yaalla markii Brazil ay goolka ka dhalisay.

Ururka maamula kubbadda cagta ee adduunka, FIFA, ayaa furaya baaritaan ay ku sameynayaan warar sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay si xun ula dhaqantay kooxdeeda kaddib markii ay si fiican u ciyaari waayeen tartankii koobka adduunka.

ciyaartoyda kuuriyada woqooyi bilawgii si wanaagsan ayay isaga dhiciyeen kooxdii Brazil, taas oo keentay in television-ka qaranku uu si toos ah u soo tebiyo ciyaartii xigtay ee ay la yeesheen kooxda Portugal oo 7-0 kaga badisay. Bishii la soo dhaafay, idaacad la yiraa Free Asia waxay sheegtay in ciyaartoyda kuuriyada woqooyi si fool xun lagaga adkaaday, tababarahoodana lagu xukumay shaqo adag.

Hase ahaatee madaxa FIFA, Sepp Blatter, waxaa uu ka digay inay adag tahay in eedahaasi la baaro. John Sudworth ayaa warkan ka soo diray magaalada Seol.