Aston Villa iyo West Ham United

Aston Villa iyo West ham waxay isaga hor imaanayaan ciyaarta labaad ee furitaanka England Premier League.

Ciyaartii ka horaysay waxay ahayd tan dhexmaraysay kooxaha Tottenhan iyo Manchester City.

Aston Villa waxay ciyaaraha ku bilaabaysaa iyadoo uu ka tagay tababare Martin O'Neeil, waxay iska hor imanayaan West Ham oo uu wato tababare Avram Grant.

Waxaa Aston Villa tababare ku meelgaar ah u noqday Kevin MacDonald, waxaa ka maqnaan doona difaaca Carlos Cuellar iyo James Collins ciyaartooda furitaanka.

Cuellar ayaa ku guuldaraystay in uu ka soo kabsado dhaawac muruq ah iyadoo Collins uu muruqa hoose ee lugta.

Weeraryahan Gabriel Agbonlahor ayaa sidoo kaledhaawac ah isaguna.

West Ham United, ayaa waxaa ay u muuqataa in Thomas Hitzlsperger uu ka maqnaan doono.

Ciyaaryahanka qadka dhexe, oo xagaagii laga soo qaatay kooxda Lazio ee Talyaaniga, ayaa cajarka ka dhaawacmay isagoo u ciyaaryay kooxda Jarmalka.

Maamulaha cusub Avram grant waxaa soo ciyaargalin karaa Pablo Barrea oo Mexico laga soo qaatay, difaaca kooxda New Zealand Winston Reid iyo labada ciyaaryahanka ee Portsmouth kala timid waa labada ciyaaryahan ee Tal Ben-Haim iyo Frederic Piquione.

Jack Collison oo qadka dhexe ah iyo weeraryahanka Zavon Hines labaduba jilibka ayay ka dhaawacan yihiin.