Aston Villa 3 - 0 West Ham

Downing
Image caption Stewart Downing oo u dabbaal degaya goolkiisa

Kooxda Kubadda Cagta ee Aston Villa ayaa galabta (Sabti) saddex gool ku dhufatay shabaqa West Ham.

Isla markaa Aston Villa waxay shabaqeeda ka difaacatay West ham oo waxba la gaari weyday.

Stewart Downing ayaa goolka koowaad u xaqiijiyay Aston Villa.

Stiliyan Petrov ayaa goolka labaad madaxa ku saxiixay.

James Milner oo laga yaabo in uu katago kooxda ayaa goolka saddexaad ka soo toogtay 18 yaardi meel u jirtagoolka.

Cayaartan oo ay dhegeystayaasha BBC si toos ah ugala socdeen idaacadda iyada oo af Soomaali ah, ayaa waxay ahayd cayaar ka tirsan tartanka Premier League.

Chelsea ayaa iyaduna 6 iyo 0 uga badisay West Brom.

Cayaaraha kale ee maanta dhacay waxaa ka mid ahaa:

Natiijooyin kale
Blacburn 1 - 0 Everton
Bolton 0 - 0 Fulham
Sunderland 2- 2 Birmingham
Tottenham 0 - 0 Man City
Wigan 0 - 4 Blackpool
Wolves 2 - 1 Stoke