Chelsea oo 6-0 kaga badisay West Brom

Chelsea oo 6-0 uga badisay West Brom
Image caption Chelsea oo 6-0 uga badisay West Brom

Kooxda haysata horyaalka gobolka England ee UK ee England Premier League, waa Kooxda Chelsea ayaa ku bilowday tartanka, ciyaartii ugu horaysay ee ay yeelatay guul ay goolal badan ku dhalisay.

Chelsea, waxay 6-0 uga adkaatay kooxda West Brom.

West Brom, waxay ka soo gudubtay kooxaha heerka labaad, oo sanadka ayay ku soo biirtay tartanka sare ee England ee Premier League.

Image caption Drogba

Sadex ka mid ah lixda gool, waxaa Chelsea u dhaliyay Drogba oo goolka labaad ee Chelsea dhaliyay waqtigii dheeraad ee dhamaadka qaybtii hore ee ciyaarta, kadib markii goolka furitaanka uu Chelsea u dhaliyay Malouda ciyaarta oo lix daqiiqo oo kaliya socota. Daqiiqadii 55-aad ayaa Drogba uu goolka labaad u dhaliyay Chelsea, iyadoo kadib markii Lampard uu u afareeyay oo Drogba goolka shanaad dhaliyay daqiiqadii 68-aad.

Ciyaaryahanka Malouda, oo goolkii furitaanka daqiiqadii lixaad dhaliyay, ayaa goolkii ugu dambeeyay ku xiray ciyaarta oo daqiiqadii 90-aad u dhaliyay Chelsea.

Iyadoo shalay uun ay ahayd furitaanka guud ahaan tartanka England Premier League, ayaa 3 dhibcood oo dhinaca goolasha ah ku hogaaminaysa Chelsea.

Image caption Kooxda Blackpool oo ku cusub tartanka England Premier League

Waxaa kaloo min 3 dhibcood leh kooxaha Blackpool oo iyadoo tartankan sanadkan ku cusub 4-0 kaga soo badisay kooxda Wigan.

Aston Villa, Wolves iyo Blackburn ayaa iyaguna leh min sadex dhibcood.

Birmingham, Sunderland, Bolton, Fulham, Man City, iyo Tottenham, dhamaan waxay leeyihiin min dhibic kadib markii tartamadii ay ciyaareen ay ku dhamaysteen barbarro.