Anelka oo ganaax adag la saaray

Anelka

Nicolas Anelka ayaa lagu ganaaxay in uu ka maqnaado 18 cayaarood. Waxaa ganaaxa siiyay Xiriirka Kubadda Cagta ee Faransiiska (FFF).

Sababtu waxay tahay sidii uu u dhaqmay tartankii koobka adduunka oo dhowaan ka dhacay Koofur Afrika.

Anelka oo 31 jir ah, waxaa laga soo celiyay Koofur Afrika intii ay cayaaruhu socdeen, ka dib markii ay isku dheceen tababbaraha Raymond Domenech.

Kooxda Qaranka ee Faransiiskuna iyaguna tallaabadaa darteed ayay gadoodeen oo ay ka baaqdeen hal tababbar.

Patrice Evra oo ahaa kabtanka kooxda waxaa lagu ganaaxay shan cayaarood inuu ka maqnaado kaalintii uu ku lahaa kacdoonka awgeed.

Franck Ribery isaga saddex cayaarood ayaa lagu ganaaxay, Jeremy Toulalan, isaga hal cayaar ayaa laga fariisiyay.

Anelka wuxuu u cayaaraa Naadiga Chelsea oo Premiershipka Ingiriiska.