Arsen-ka Arsanal oo daydayaya goolhaye

Schwartzer, goolhayaha Fulham

Madax kooxda Arsenal, Arsene Wenger, waxaa uu doonayaa in uu £2.5m oo ku soo iibsado tababbaraha Goolhayaha Fulham, Mark Schwarzer.

Taasi hadday dhacdo, waxay Fulham u suurta gelineysaa in ay soo iibsadaan Goolhayaha Manchester City, Shay Given. Warkaan waxaa qoray Daily Mirror.

Mark Schwarzer, waxaa uu u qabtaaQaranka Australia.

Goolhayaha Arsenal, Manuel Almunia, wuxuu weydiisan doonaa in mustaqbalkiisa lagala hadlo, waa hadday dhacdo in Wenger uu soo iibsado Goolhaye kale.

Intanna waxaa qoray Evening Standard.