Ahsan Ali Syed oo baayacay Blackburn

Blacburn rovers

Blacburn rovers waxay qirtay in ay wadahadal ku saabsan in la iibsado ay la gashay Ahsan Ali Syed.

Wadahadal wax ku ool ah ayaan yeelannay ayay yiraahdeen.

Ali Syed oo dhalashadiisu ay tahay Indian, waa milkiilaha Sharikadda Western Gulf Advisory waxaana fadhigiisu yahay Bahrain. Waxaa uu ballan qaaday in uu Sam Alardyce siin doono £100m.

Ma aha kooxdii ugu horreysay oo Ingiriis ah oo ajnabi iibsado.