Ferguson "naftii-hallignimada ayaan la yaabay"

Ferguson iyo tababbaraha Man City Mark Hughes

Tababbare Sir Alex Ferguson ayaa ku eedeeyay kooxaha ay is hayaan kooxdiisa Manchester United in ay si naftii-hallignimo ah ay lacag u kharash gareynayaan.

Hadalkiisu wuxuu ku soo beegmay iyada oo Manchester City ay sheegtay in ay filayaan in ay dhowaan la soo wareegaan James Milner oo Qaranka Ingiriiska uga cayaaraha dhexda, kana tirsan Aston Villa.

Inkasta oo aan ferguson kooxna magaceeda ku dhawaaqin, haddana City waxay kharash gareysay sannadkan £125m, taas oo ka dhigeysa kooxda lacagta ugu badan ee koox kalena aanay ka soo daba dhoweyn ku kharash gareysay iibsiga cayaartood.