Holloway dhaw-dhawdu umay dhicin

Ian Holloway

Madaxa Blackpool, Ian Holloway, wuxuu iska diiday in ay la weynaato guusha ay kooxdiisu ka soo hoysay cayaartoodii ugu horreysay Premiership oo ay 4-0 uga guuleysatay Wigan.

Waan ku faraxsan ahay, ayuu yiri, guusha ay wiilashu soo hooyeen.

Qaarkood toddobaadkan ayaa isugu horreysay, ayuu yiri, oo waxay noqotay in aan iyaga isbaro.

Weli hawl adag ayaa noo dhimman, ayuu raaciyay, si aan ugu sii jirno Premiership oo ah wax aad u wanaagsan.