Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciyaartoyd Soomaali ah oo ku tababaranaysa Doha

Kooxda kubadda cagta ee qaramada Soomaaliya ee da'doodu ka hoosayso 17 sano, ayaa tababar ku qaadanaya magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Kooxda ayaa u gudubtay wareegga labaad ee isreereebka loogu soo baxayo ciyaaraha adduunka ee kubadda cagta ciyaartoyda ka yar 17 sano kadib markii ay horay dalka Djibouti gudihiisa ay kaga badiyeen kooxda Kenya, markii Kenya la galayna ay ku kala baxeen 0-0.

Waxay ciyaartooda soo socota ku aadan yihiin kooxda dalka Masar oo ay kula ciyaari doonaan 2-da kulan ee martigalinta iyo martida isla gudaha Masar.

Kulanka koowaad ayaa magaalada Qaahira ka dhacaya 6-da September, iyadoo 10-ka september ciyaarta labaad ee martida ay kooxda Soomaalidu tahay ay ka dhacayso magaalada Alexandria ee Ila dalka Masar.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa telefoonka kula xiriiray xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Cabdiqani Siciid Carab oo la socda kooxda.

Wuxuu marka hore waydiiyay kooxdan iy ciyaaraha ay ka qaybgalayso.

Cabdiqani ayaa sheegay in dalka Qatar uu u fidiyay saacidaad dhinaca hoyga, garoonka, nolosha ciyaartoyda iyo madaxdooda.

Waxaa kooxda la siiyay oo kale garoon ay ku tababaranayaan inta ay joogaan Doha.

Wuxuu aad ugu mahadceliyay dalka Qatar, iyadoo sidoo kalena uu sheegay in tas-hiilaadkan oo kale ay horay ugu fidisay oo kaliya dowladda Djibouti.