Tottenham 2-1 Aston Villa

Ciyaaryahanka Rafael Van der Vaart
Image caption Ciyaaryahanka Rafael Van der Vaart, 2 gool ayuu ka dhaliyay Aston Villa.

Tottenham waxay Aston Villa kaga badisay 2-1.

Labada gool waxaa u dhaliyay ciyaaryahanka reer Holland Rafael Van Der Vaar.

Goolka waxaa ku hormaray kooxda Aston Villa oo marti u ahayd Tottenham lix iyo toban daqiiqo oo kaliya ciyaarta oo socota. Hase yeeshee, Tottenham ayaa goolka barbardhaca iska soo gudday waqtiga dheeraadka ah ee lagu dray qaybta hore. Waxaana lagu kala nastay 1-1.

Qaybtii labaad ee ciyaarta, ayaa daqiiqadii 75-aad uu goolka badiska u dhaliyay mar kale Rafael Van Dar Vaar.

Image caption Man U iyo Sunderland

Ciyaaraha kale Sunderland waxay barbarro 0-0 la gashay kooxda Mancher United oo gurigeeda ugu timid.

Natiijadan dad badan waxay u arkaan in ay tahay mid aan horay loo sii filayn maadaama Manchester United ay tahay kooxda labaad ee ugu saraysa tartanka ilaa hadda, kooxda Sunderland-na ay ku jirtay kaalinta tobanaad.

Ugu yaraan waxaa saadaashu ahayd in 1 goolna ay Manchester ku badisay, balse Sunderland ayaa u diiday Man U in ay kubadda taabsiiso shabaqeeda.

Everton 2-0 ayay ku tuntay kooxda Birmingham oo ay gurigooda ku booqatay. Stoke 1-0 ayay kaga adkaatay Blackburn oo marti u ahayd.

West Brom ayaa garoonkeeda barbardhac kula galay Bolton, waxaa sidoo kale West Ham gurigeeda ay bareejo ku kala baxeen Fulham.

Wigan waxay 2-0 dirtay koxoda Wolves.

Axadda waxaa wada ciyaaraya:

Manchester City V Newcastle.

Liverpool V Blackpool

Chelsea V Arsenal