Tottenhan V Aston Villa

Van Der Vaart
Image caption Van Der Vaart

Ciyaartan waxay ka dhacaysa garoonka Tottenham ee White Hart Lane.

Tottenham iyo Aston Villa waxay kulmeen marar badan. Guushii ugu dambaysay ee Aston Villa tobankii ciyaartood ee ugu dambeeyay ee ay ku yeelato garoonka Tottenham ee While Hart Lane, wuxuu ahaa 2-1 ay ku badisay bishii September 2008. Shan jeer barbaro ayay noqdeen, 4-na waa laga badiyay.

Tababaraha Tottenham oo horay u laylin jirin kooxda Portsmouth, Harry Redknap, marna kama aysan badin Aston Villa isagoo tababare ah tan iyo markii 1-0 bishii March ee 2006 looga badiyay garoonka Villa Park.

Tottenham waxay ku dadaalaysaa in aysan dhicin markii labaad oo xiriir ah in isla tartanka laga badiyo kadib markii Stoke ay ku adkaatay garoonka White Hart Lane, halka Arsenal-na ay uga badisay Tottenham garoonka Emirates.

Sideed dhibcood ayay ka haystaan lix kulan oo ilaa hadda ay ciyaareen.

Image caption Aston Villa

Aston Villa dhankeedu, waxay ku dadaalaysaa sidii ay ku gaari lahayd guulo is xiga afarteedii kulan ee u dambeeyay.

12 gool ayaa looga dhaliyay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyay.

Ciyaaryahanka Ashley Young waxay maanta u tahay maalintii 150-aad ee uu u safto kooxdiisa.

Ciyaartan waxay ka dhacaysa garoonka Tottenham ee White Hart Lane.

Ledley King waxaa loo malaynayaa in uu dhaawac jilibka ah wali ku maqnaan doono, waxaa difaaca qadka dhexe iska kaashan doona Vedran Corluka iyo Sebastien Bassong, iyadoo Benoit Assou-Ekotto uu difaaca dhanka bidix ka ciyaarayo.

Waxaa kaloo dhaawac ah Dawson, Defoe, Gallas, Woodgate, Kaboul iyo O'hara.

Gabriel Agnbonlahor ayaa ka maqnaanaya, iyadoo qaliin looga samaynayo gumaarka. Waxaa kaloo dhaawac ah Delph, iyo Weimann.

Aston Villa John Crew iyo Richard Dunne ayaa ka soo laabanay dhaawacyo horay uga kala gaaray dhabarka iyo jilibka.