Cayaaraha Sabtida iyo England Premiership

Anelka
Image caption Anelka, Chelsea

Kooxda Chelsea waxay la ciyaaraysaa kooxda Wolverhampton.

Ciyaartu waxay ka dhacaysaa garoonka Stamford Bridge.

Si toos ah, ayaan idaacadda uga sii daynaynaa.

Waxaa idinla socodsiinaya Cabdiraxmaan Koronto, Ahmed Cabdi Nuur, Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad iyo Axmed-Nuur 'Seyga Ruushka'.

Didier Drogba ayay u badan tahay in uu ka soo laabto xanuun uu uga maqnaa labadii ciyaarood ee Chelsea ugu dambaysay.

Frank Lampard, ayayse u muuqataa in ay soo laabashadiisu waqti ka dhiman tahy.

Waxaa kaloo dhaawac ah Benayoun iyo Alex. Ramires-na shaki ayaa ku jira in uu ciyaari karo.

Image caption Wolverhampton

Dhinaca kooxda Wolves, waxaa shaki ku jiraa ciyaaryahankooda Jody Craddock oo sinta ka dhaawacnaa, iyadoo Michael Mancienne oo amaah ku joogay uu maqnaan doono.

David Davis, ayaa dib looga yeeray kooxda Walsall oo la amaahiyay iyo Stephen Hunt oo rajaynaya in ugu dambaynta la soo safo kadib cagta oo uu ka dhaawacmay.

Waxaa ka maqan oo laba ciyaar ka fadhiya Henry.

Ciyaarihii horey u dhexmaray Chelsea iyo Wolves, boqolkiiba boqol waxaa ku gacan saraysay Chelsea.

Wolves oo uga badisa Chelsea garoonka Stamford Bridge waxaa u dambaysay sanadkii 1979.

Ciyaartan, waxaa dhex dhexaadin doona garsoore Lee Probert, oo ay kalkaalinayaan Stephen Child iyo Ceri Richards.

Ciyaaraha kale, Birmingham waxay la ciyaaraysaa Blackpool.

Sunderland waxay is arkayaan Aston Villa.

West Brom waxay iska horimanayaan Fulham, Wigan waxay kulmayaan Bolton.

West Ham-na waxay martigalinaysaa Newcastle.