Manchester City 0-3 Arsenal

Arsenal
Image caption Arsenal

Arsenal oo ka badisay Manchester City.

Kooxda Manchester City, oo ciyaartan ka hor booska labaad ku jirtay dhinaca liiska kala horaynta dhibcaha ayaa ku guuldaraysatay in ay booskaas sii xajisato.

Arsenal ayaa 3-0 kaga guulaysatay Manchester City.

Ma aha natiijo la wada filayay, iyadoo waliba lagu ciyaarayay garoonka kooxda Manchester City.

Image caption Kaarka cas oo loo taagay Boyata

Cayaarta oo wax ka yar shan daqiiqo socota, ayaa ciyaaryahanka Dedryk Boyata laga saaray kooxda Manchester City kadib markii uu si xun u jalaafay Marouane Chamakh. 15 toban daqiiqo kadibna waxaa goolka koowaad ka dhaliyay Nasri.

Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa hadana labaatan daqiiqo kadib goolka labaad uu dhaliyay Alex Song, iyadoo ugu dambayntiina uu goolka sadexaad u dhaliyay Arsenal ciyaaryahanka Bendtner ciyaarta oo waqtiga caadiga ahaa ka dhiman yahay laba daqiiqo oo kaliya.

Arsenal, ayaa dhinaca dhibcaha kooxda labaad liiska kala horaynta ka noqotay, balse Man City kama dhibca yara, hase yeeshee Arsenal ayaa ka gool dhalis badan. Labaduba waxay wada leeyihiin 17 dhibcood, Manchester United oo kaalinta sadexaad ku jirta lafteedu 17 dhibcood ayay leedahay. Manchester City waa kooxda afaraad dhinaca kala horaynta dhibcaha, oo Chelsea ay 22 ku hogaaminayso.

Liverpool wali hoosta ayay iska heehaabaysaa, 9 dhibcood ayay leedahay, waxaana ka hooseeya oo kaliya Wolces iyo West ham oo min lix dhibcood leh.