Blackburn 1-2 Chelsea

Tababaraha Chelsea
Image caption Tababaraha Chelsea

Kooxda Chelsea, waxay ka badisay Blackburn.

Goolka waxaa u hormaray kooxda Blackburn, oo daqiiqadii 21-aad uu goolka u dhaliyay Mwaruwari.

Hase yeeshee, Anelka ayaa goolka barbardhaca ah u dhaliyay Chelsea daqiiqadii 39-aad.

Ugu dambayntiina, ciyaarta oo sagaashankii daqiiqo ee caadiga ahaa ay ka dhiman tahay 6 daqiiqo, ayaa Ivanovic uu goolka guusha u dhaliyay Chelsea.

Chelsea 2-1, ayay kaga badisay Blackburn ugu dambayntii.

Ciyaartu waxay ahayd mid aad u xiiso badan, oo kooxda Blackburn ay heshay fursado aad u wanaagsan oo gool loo fishay.

Dadka ciyaartan ka faaloonayay ayaa ku tilmaamay guusha Chelsea mid nasiib ah, maadaama inta badan goolkeeda la sigayay.