Manchester United V Wolverhampton

Weeraryahanka Manchester United, Nani ayaa ka maqnaan doona cayaartan sababtoo ah dhaawac ayuu qabaa, balse Darren Fletcher ayaa la filayaa in uu cayaaro.

Dhaqaatiirta caafimaadka ee kooxda, ayaa baaraya Anderson, Darron Gibson, Jonny Evans iyo Federico Macheda oo kuligood xanuunsaday, waxaa kaloo xanuunkaas uu helay tababare Alex Ferguson, balse garoonka wuu joogi doonaa.

Dhinaca Wolves, ma jiraan dhaawacyo cusub oo tababare Mick McCarthy uu ka walwalsan yahay.

Man U, waxaa dhaawacan Giggs, Owen, Hargreaves, Nai, Rooney iyo Valencia.

Wolves waxaa ka dhaawacan Craddock, Guedioura, Kightly iyo Zubar.

Wolves kuma badinin garoonka Old Trafford muddo ka badan 30 sano, tartankii hore labadii kulanba Man U ayaa badisay, Wolves hal goolna ma dhalinin.

Intii tartankan bilowday marna Manchester United lagama badin.

Wolves 5 cayaar ayaa laga badiyay.