Cayaaryahanka Africa ee BBC ee sanadka 2010

Gyan, Ayew, Eto'o, Toure iyo Drogba
Image caption Gyan, Ayew, Eto'o, Toure iyo Drogba

BBC waxay sanad walba bixisaa abaalmarinta Cayaaryahanka sanadka ee qaaradda Africa, 2010. Dhagaystayaasha ayaa go'aanka iska leh cayaaryahanka abaalmarinta la siinayo. Hadaba si aad uga qaybgasho xulashada cayaaryahankan codkaaga dhiibo.

Waxaa is reereeb kadib shanta cayaaryahan ee ugu saraysa ee dhagaystayaasha BBC kala xulanayaa ay noqdeen, Gyan, Ayew, Eto'o, Toure iyo Drogba. Shanta ayaa loo magacaabay in ay u tartamaan abaalmarinta BBC ee Cayaaryahanka sanadka ee Africa, 2010.

Laba cayaaryah waxay ka soo jeeddaa Africa, oo kala ah Asamoah Gyan iyo Andre 'Dede' Ayew.

Samuel Eto'o waa Cameroon.

Yaya Toure iyo Didier Drogba, waa Ivory Coast.

Qofka abaalmarinta helay waxaa go'aminaya taageerayaasha kubadda cagta Africa oo codkooda dhiibanaya si ay u xushaan kooda mudan in loo caleemo saaro cayaaryahanka sanadka 2010.

Si aad codkaaga u dhiibato halkan dhag sii.

Waxaa codbixintu soconaysaa ilaa 10-ka bisha December.

Codka waxaa lagu dhiibanayaa qoraalka telefoonka iyo internet-kaba.

Sidoo kale, warbixinada hoose kala soco hadii aad doonayso faahfaahin iyo sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan cayaaryahan kasta.

Waxaad ka heli kartaa taariikhda cayaaryahan kasta, kooxaha uu u soo cayaaray iyo kaalinta uu ku leeyahay guulaha kala duwan ee koox walba ee Qaranka ah.

Waxay Cayaaryahanadu sida kor aan ku soo sheegnay ka soo kala jeedaan sadexda dal ee kala ah: Ghana, Cameroon iyo Ivory Coast.