Manchester United V Blackburn

Kooxda Manchester United waxay maanta la cayaaraysaa kooxda Blackburn.

Waxay cayaartu ka dhacaysa garoonka Old Trafford ee Manchester United.

Man U waxaa ka maqnaan doona Darren Fletcher oo ku dhaawacmay cayaartii Wigan, anqawga ayaa wax ka gaareen.

Difaaca dhexe Nemanja Vidic iyo Rio Ferdinand, ayaa ku soo laabanaya kooxda kadib markii ay nasteen kulankii tartanka Europe Championship-ka ee Rangers ay la yeelatay Man U bartamihii todobaadka.

Waxaa kaloo dhaawac ah Valencia, Hargreaves iyo Owen.

Scholes lama hubo in uu cayaari karo.

Dhinaca kooxda Blackburn weeraryahanka Morten Gamst Pedersen ayaa la filayaa in uu ka soo kaco dhaawac.

Gael Givet ayaa isna loo malaynayaa in uu soo laabto kadib markii uu xanuunsaday cayaartii ugu dambaysay kooxda ay la yeelatay naadiga Aston Villa.

Waxaa kooxda Blackburn ka dhaawacan oo kale Andrews and Greall, Benjani, Nzonzi, Olsson, Mame Diouf iyo Emerton.