Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kooxda kubada cagta Soomaaliya oo shil gashay

Image caption Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab

Kooxda kubadda cagta ee Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartanka bariga iyo bartamaha Afrika oo ka dhacaya magaalada Dara Salaam ee waddanka Tansania ayaa galay shil baabuur.

Shilka ayaa ka dhacay magaalada dara Salaam markii bus ay saarnaayeen kooxda uu ku dhacay baabuur kale.

Ugu yaraan shan cayaartooy ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen shilkaasi baabuur kuwaasi oo hadda lagu daweynayo isbitaal, isla markaana aan ka qeybgaleyn cayaar galabta ku dhexmereysa kooxda Soomaalida iyo Kooxda tansania.

Cabdiqani Saciid Carab oo ah Xoghayaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga warramay sida uu u dhacay shilka kooxda kubadda cabgta ee Soomaaliya.