West Ham V Manchester City

Kooxda West Ham, waxay martigalinaysaa Manchester City, oo ay ku wada cayaarayaan garoonka Upton Park. Man City waa kooxda 4-aad, 29 dhibic ayay leedaha. West Ham ayaa ah kooxda ugu hoosaysa, iyadoo leh 12 dhibcood, 16 kulan oo la cayaaray.

Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda West Ham Valon Behrami ayay dhici kartaa in dib ugu soo laabto kooxda, iyadoo uu sinta horay uga dhaawacmay.

Waxaa kaloo ka maqan Da Costa, Collison, Edgar, Kurucz, Hitzlsperger iyo Noble.

Dhinaca kooxda Manchester City waxaa min laba cayaar ka maqnaanaya Kolarov iyo Tevez.

Waxaana dhaawacan M Johnson iyo Nimely.

Kooxda Man City ilaa bishii October lagama badin, waxaana u jiraan oo kaliya 3 dhibcood kooxda hogaanka haysa ee Arsenal.

West Ham, dhinaca dhibcaha waa kooxda ugu hooseysa oo 12 dhibcood ayay leedahay.

Cayaartan waxaa dhexdhexaadin doona garsooer Phil Dowd.