14 December, 2010, 00:43 GMT 03:43 SGA

Manchester United 1-0 ayay kaga badisay Arsenal

Kooxda Man U, ayaa la wareegtay hogaanta tartanka England Premier League ee dalka Britain.

Waxay ka sare martay kooxaha Arsenal iyo Man City, oo min 32 dhibcood lahaa, balse Arsenal ay dhinaca goolasha ku hogaaminaysay.

Waxay fursadda heshay Man U kadib markii ay kulankii habeennimada Isniinta ee tartankan ay isku heleen ay kaga adkaatay kooxda Arsenal 1-0.

Waxaa goolka u dhaliyay Man U cayaaryahankooda Park.

Rigoore loo dhigay Man U, waxaa ka qasaariyay Wayne Rooney.

Arsenal inkastoo isku badan ay samaysay in ay goolka iska soo guddo, hadana ma jirin halis aad u wayn oo ay ku sababeen kooxda Man U difaaceeda iyo goolhayahaba.

Manchester United hadda 34 dhibcood ayaa ku hogaaminaysaa waxay laba dhibcood ka horaysaa Arsenal iyo Man City oo min 32 leh.

Cayaarihii Axadda

Tottenham iyo Chelsea waxay isla dhaafi waayeen 1-1.

Kooxda Bolton, waxay 2-1 kaga adkaatay Blackburn.

Chelsea waa kooxda 4-aad 31 dhibcood ayay leedahay.

Tottenham ayaa iyaduna booska shanaad ku jirta oo leh 27 dhibcood.

Cayaarihii Sabtida:

Aston Villa waxay ka badisay 2-1 West Brom.

Everton 0-0 ayay isla dhaafi wayeen Wigan.

Sidoo kale Fulham iyo Sunderland ayaa 0-0 ku kala baxay.

Kooxda Newcastle waxay 3-1 dirtay kooxda Liverpool.

Stoke waxay gurigeeda 0-1 uga badisay Blackpool.

West Ham waxaa gurigeeda 1-3 kaga badisay kooxda Manchester City.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.