Blackburn V West Ham

Kooxda Blackburn, ayaa martigalinaysa kooxda West Ham.

Labada kooxba waxay ka mid yihiin tobanka koox ee hoose.

Balse waxaa kooxda 13-aad ah Blackburn oo waxay leedahay 21 dhibcood, waxayna isku dhibco yihiin Stoke.

West Ham, waa kooxda ugu wada hoosaysa 20-ka koox ee ku tartamaya cayaaraha England Premiership-ka.

Blackburn waxaa ka dhaawacan Andrews, Grella, iyo Nzonzi.

Halka kooxda West Ham ay ka dhaawacan yihiin Da Costa, Collison, Edgar, Kurucz, Hitzlesperger iyo Noble, iyadoo shaki laga qabo cayaaryahanka Behrami.

Tababarihii kooxda Blackburn todobaadkan, Sam Allardyce ayaa la la eryay, waxaa kooxda tababare ku meelgaar ah u noqday Steve Kean.

ga badiyay.