Chelsea V Blackburn

Waxaa maanta kulanno cyaaareed oo kubadda cagta England premiership ay dhexmari doontaan kooxaha:

Chelsea V Blackburn

Man City V Wolves

Stoke V Bolton

West Brom V Blackpool

Wigan V Fulham

West Ham V Arsenal

Waxaa si gaar ah ay BBC idiinku soo gudbinaysaa cayaarta dhexmaraysa Chelsea iyo Blackburn.

Chelsea waxaa ka dhaawacan Alex, Mikel, Benayoun iyo Zhirkov.

Dhinaca Blackburn, waxaa shaki ku jira in ay cayaari karaan Nzonzi, iyo Roberts, waxaana ka dhaawacan Andrews, Grella iyo Jones.

Kooxdan waxaa dib ugu soo biiray Roque Santa Cruz oo Manchester City dayn ugu maqnaa.

Goolhayaha Paul Robinson ayaa isna badqaba soo u ka soo kacay dhaawac anqawga ah, waxaa kaloo u safan kara Nikola Kalinic kadib markii uu soo dhamaystay sadex kulan oo laga mamnuucay in uu cayaaro.

Chelsea waa kooxda shanaad dhinaca dhibcaha waxayna leedahay 35 dhibcood iyadoo cayaartay 21 cayaarood. Halka Blackburn ay ku jirto booska tobanaad, 22 kulan oo ay dheeshayna waxay keensaday 28 dhibcood.