Wigan ayaa la cayaaraysa Manchester United

Lahaanshaha sawirka AFP

Tartanka England Premiership, maanta oo Sabti ah, waxaa dhacaya ilaa shan kulan.

Wigan waxay la cayaaraysaa Man U, Everton iyo Sunderland way kulmayaan. Newcastle waxay martigalinaysaa Bolton. Wolves iyo Blackpool-na way wada cayaarayaan.

Waxaanu toos idiinku soo gudbinaynaa cayaarta dhexmaraysa kooxaha Wigan iyo Man United.

Waxaa cayaartan ay ka dhacaysaa garoonka DW Stadium ee kooxda Wigan.

Dhinaca dhibcaha, kooxda Manchester United ayaa 57 ku hogaaminaysa iyadoo 26 kulan dheeshay, kan maanta ayaa ah keedii 27-aad.

Arsenal oo 27 kulan dheeshay ayaa hal dhibic ka hoosaysa, iyadoo Manchester City oo kooxda 3-aad ah ay leedahay 49 dhibcood, Tottenham waa kooxda afaraad iyadoo leh 47 oo laba dhibic ka hoosaysa Man City, waxaa iyadana 2 dhibic ka hooseeya kooxda Chelsea oo kooxda Shanaad ah. Liverpool lixaad ayay ku jirtaa.

Wigan, waxay ka mid tahay sadexda koox ee ugu hoosaysa iyadoo 27 dhibcood leh, waxaa ka hooseeya West Ham iyo Wolves oo min shan iyo labaatan dhibcood leh.