2 Maarso, 2011, 05:07 GMT 08:07 SGA

Chelsea waxay ka badisay Man U

Kooxda kubadda cagta Chelsea, oo haysata koobka England Premiership ee sanadkii hore, ayaa ka adkaatay kooxda Man U oo ay ku kulmeen cayaar ka mid ah tartankan. Waxaa lagu cayaarayay garoonka kooxda Chelsea.

Chelsea 2-1 ayay ugu awood sheegatay kooxda Manchester United.

Waxaa goolka ku hormaray Man U oo Rooney uu goolka u dhaliyay, goolkaas oo lagu kala nastay iyadoo Chelsea aysan waxba dhalin.

Qaybtii labaata ayaa Chelsea gool barbardhac ah uu u dhaliyay cayaaryahankooda cusub David Luiz, iyadoo rigoore ay heshay Chelsea uu gool u badalay cayaaryahanka Lampard.

Chelsea waxay hadda soo gashay booska ama kaalinta afaraad oo ay kala wareegtay Tottenham, waxay Chelsea leedahay 48, iyadoo 12 dhibcood ka hoosaysa hogaamiyayaasha horyaalka ee ay ka adkaadeen Manchester United.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.