Arsenal 0-0 Sunderland

Van Persie dhaawac ayuu ku maqan yahay Lahaanshaha sawirka a
Image caption Van Persie waa dhaawac

Arsenal iyo Sunderland, waxay isla dhaafi waayeen 0-0. Arsenal waxay yeelanaysaa 57 dhibcood oo 3 dhibcood ayay ka hoosaysaa Manchester United, oo 60 ku hogaaminaysa tartanka.

Birmingham iyo West Brom waxay ku dhamaatay 1-3, looga badiay Birmingham. Bolton 3-2 Aston Villa, Fulham 3-2 Blackburn, Newcastle 1-2 Everton iyo West Ham 3-0 Stoke.

Arsenal waxay ku jirtaa dhinaca dhibcaha kaalinta labaad oo waxay leedahay 57 dhibcood, iyadoo 3 dhibcood hadda ka hoosaysa hogaamiyayaasha tartanka ee Man U oo 60 leh.

Sunderland, waxay iyaduna ku jirtaa kaalinta 8-aad, iyadoo leh 38 dhibcood.