Cayaaraha Sabtida England Premiership

Barnaamijka England Premiership waxaan ku soo qaadanaynaa cayaarta dhexmaraysa kooxa Manchester United iyo Bolton.

Cayaaraha kale waxaa kulanka hore uu dhexmarayaa kooxaha Tottenham iyo West Ham.

Isla waqtiga ay Man U cayaarayso, waxaa kaloo dheelaya West Brom iyo Arsenal, Wigan iyo Birmingham, Aston Villa iyo Wolves, Blackburn iyo Blackpool, Stoke iyo Newcastle iyo cayaarta galinka dambe oo dhexmaraysa Everton iyo Fulham.

Dhinaca dhibcaha, Manchester United oo 29 kulan dheeshay ayaa lixdan ku hogaaminaysa, waxaa ku soo xiga Arsenal oo 28 kulan cayaartay, lehna 57 dhibcood, Manchester City oo cayaartay 29 ayaa iyaduna leh 53 dhibcood, Chelsea 28 ayay cayaartay waxayna leedahay 51.

Waxaa dhinaca dhibcaha ugu hooseeya sadexda kooxood ee Birmingham oo 31 leh, oo ay ka hooseeyaan Wolves oo 29 leh iyo Wigan oo 27 leh.